Magaceygu waa Farxiyo, waxaan ahay ardayad, waxaana ku rajo weynnahay in aan guursado balse waan ka baqayaa guurka. Ma aqaano sababta laakin waa wax igu cusub oo aan rabo in la iiga soo jawaabo. Fadlan dhalinyaro igu caawiya aragtidiina iyo sida aan uga bixi karo taas, sababtoo ah ma doonayo inaan cimrigeyga ku dhameysto bilaa guur, bilaa caruur, bilaa mustaqbal. Shukran walaalayaal!
Mahadsanid walaal in aad nala wadaagto aragtidaada. Marka aan u soo noqdo su'aashaada oo ah: Maxaa keeno cabsida guurka?
Haddii ay kugu jirto cabsi guur ah ama aad ka welweleyso guurka waxaan kuu heynaa talooyin badan, kuwaaso kaa caawinayo in aadan mar dambe ka baqan guurka. Haddii aan nahay dhalinyaro qaasatan kuwa soo qaan gaarayo, waxaan dareennaa cabsi fara badan haba ugu badnaatee cabsida guurka iyo in aan ka fikirno mustaqbalka sida aan noqon doono. Waxaa sidoo kale mararka qaar nala soo deriso marxalado kala duwan kuwa aan rajeyneynay, kuwaasoo ugu dambeys aan ka gudubno.
Maka mid tahay dhalinyarada dareento cabsida guurka iyo cabsida mustabalkaaga? Hadaba haddii ay jawaabtaadu haa tahay, qormadaan aad ayeey kuu anfaceysaa ee si degan u akhriso.
Dhalinyarada iyo cabsida guurka
Marka laga hadlayo cabsida guurka, khubarada ku takhasusay cilmiga bulshadu waxa ay aaminsan yihiin sababaha u keeno dhalinyaro badan guur la’aanta in ay ka mid tahay cabsida ay ka qabaan xiriirka guur ee ay la yeelanayaan qofka ay nolosha la wadaagi lahaayeen.
Waxaa inta badan ku dhacdo dhalinyaro u badan wiilal in ay ku adkaato in xiriirka haasaawaha ee ay gabdhaaha la wadaagaan in ay u beddelaan guur, taasina waa sababta keenta, marka uu haasaawuhu dheeraado in ay gabadhu ka shakido daacadnimada wiilka, xiriirkiina uu hakad gelo, iyadoo si kedis ah xiriirkii la sii wado mid kale si ay isaga u guursato.
Waa maxay cabsida guurka (Gamophobia)?
Cudurkani ee cabsida guurka waa cudur ku dhaco dad badan haba ugu badnaadaan dhalinyarada guurdoonka ah. Cudurkani ee cabsida guurka ah waxaa afk qalaad loogu yaqaanaa Gamophobia waana cudur ku dhaco raga iyo dumarka. Marka ugu horeyso ee uu qofka dareemayo cabsida guurka waxa uu isku arkayaa shaki fara badan ilaa uu gaaro in qofka uu wax walbaa ka shakiyo, iskaba daa in uu sameysto lamaane uu nolosha la wadaago.
Laakin sabab?
Qof walbaa marka uu isweydiiyo waa maxay cabsida guurka, maxaad ka baqeysaa oo ka hor taagan?
Su’aalahaasi marka uu qofka ka jawaabo, waxa qofka u soo baxayo waxa uu markaasi ka baqanayo.
- Gabadhaas ameey.......?
- Wiilkaaas armuuu....?
- Maxaa la sameeeyaa guurka?
- Sidee ku qancin kartaa lamaanahaaga iwm?
Wax kastaba haku fikiree, qofka marka ay wax ku cusub yihiin waxa ay u yihiin wax kale, taasina waa wax caadi ah. Wax walbaa oo cusub ayaa sidaa ah, maalmo kadibna waxay noqonayaan wax iska caadi ah. Marka aad xusuusato maalmahaasi, waad isla yaabeysaa, oo waxaad is dhaheysaa waxaan lee maad ka baqan jirtay?
In la isguursado caado ahaan wax iska dabiici ah oo noolaha oo dhan soo maro. Xaawo iyo Aadan ayeey ka soo bilaabatay Alle haka raali noqdee. Sidaas ay tahayna waxaa qofka la soo gudboono cabsi fara badan dhanka guurka ah. Calashaan qofka in uu dareemo cabsi iyo welwel xagga guurka ah, inkastoo guurku uu yahay wax qurux badan oo aysan ahayn in laga baqo, hadana qofku wuu iska baqaa.
Astaamaha lagu garto cudurka cabsida guurka
- Qofka oo aanan marnaba maqli karin sheeko ku saabsan guurka
- Qofka oo aanan marnaba loo soo bandhigi karo in uu guursado
- Qofka oo jecleysto in uu kaligii noolaado
- Qofka oo caadi la noqoto keli ahaanshaha
- Qofka oo ka xanaaqo marka uu maqlo erayga guur iwm
Digniin: Haddii aad aragto qof ka raagay guurka, waxaa laga yaabaa in uu qabo cudurka cabsida guurka ah, fadlan haku soo qaadin erayga guur iyo maxaad u guursan weysay, maxaa yeelay dadka qabo cabsida guurka, qaar baa aad uga caroodo su’aalahaan, waxayna sababi kartaa in ay naftaada waxyeeleeyaan. Please ha gelin affaaro qof kale khuseeyo, guurka qofka isagaa xur u ah, adiguna waxaa lagaaga baahan yahay in aad fahanto oo aadan ku qasbin.
Maxaa keeno cabsida guurka?
Cabsida guurka waxaa keeno waxyaabo badan, haba ugu badnaadaan waxyaabaha soo socdo.
- Cabsida faraha badan
Marka aad tahay caadiyan qof cabsi badan, kama baqaneysid kaliya in aad qof kale nolosha la wadaagto, sariir la seexato, guri cusub aad yeelato ee sidoo kale waxaad ka baqaneysaa wax walbaa. Taasina ma ahan wax fiican, maxaa yeelay waxaad ka cabsaneysaa wax aanan jirin oo iska caadi ah. Hadaba jooji cabsida badan, sababtoo ah qof walbaa ayaa sidaa sameeyo waana wax nolosha kamid ah.
- Guurka Cusub
Guurka cusub had iyo jeer waa wax kale, maxaa yeelay waxaad nolosha la wadageysaa qof kale, ma seexaneysid sariirtii aad taqiinay, waxaad ka fogaaneysaa reerkaaga sida walaalaha Hooyo iyo Aabe. Muhiimadu ma ahan in aad wax xun sameyneyso ee waxaad rabtaa in aad adiguna reer sameysato oo aad argto ubad aad adigu dhashay oo kaa haro. Waxaa sidoo kale dooneysaa in aad nolosha ku raaxeysato oo aad dareento farxad iyo reyn reyn.
Talo
Si kastaba guurka ha noqdee waxaa muhiim ah in aad guursato qof aad si dhab ah u jeceshahay, maxaa yeelay qofkaasi kuuma ahan kaliya qof aad guursatay ee waxa uu sidoo kale kuu yahay wehel dhab ah.
Laakin haddii aad guursato qof aadan aqoonin dhaqankiisa, dabeecadiisa misana anaanan ku farxad gelin karin, cabsi kaama baaba’eyso, waxaana laga yaaba in ay kula noqoto wax xun.
Wax walbaa oo aad sameyneyso, u sameey raali ahaanshahaaga, adigoo ku faraxsan, maxaa yeelay haddii ay wax qaldamaan waxaad sameysay adigoo ku qanacsan mana kuu keeneyso wax dhibaato ah.
Xusuunow: Marka aad wax ka shalaayneyso waa marka aad sameyso waxaadan ku qanacsaneyn oo qaldamo.
Qofka marka uu la kulmo marxalado xun
Waxaa laga yaabaa in aad aragtay saaxibadaa oo guursaday, guurka kadibna kala kulmay dhibaatooyin fara badan, taasi waxay sabab u noqon kartaa in aad dareento cabsida guurka.
Tusaale markaan u soo qaadano gabdhaha.
Gabar walbaa waxaa looga sheekeeye habeenka aqal galka gaar ahaan habeenka bikro jebinta ee raaxada galmada in ay tahay habeen xanuun badan oo ay gabadhu kala kulmeyso ninkeeda. Taasi ma ahan wax run ah. Waxay ku xiran tahay ninka ay gabadhu guursato.
Ma jiraan wax xanuun la yiraahdo, haddii aad dareentana waxaa wanaagsan in aad u sheegto ninkaaga, habeenba habeenka ka dambeeyo cambarka(Xuubka siilka) wuu isa sii furayaa.
Si aadan xanuun u dareemin isticmaal kareenka kaa caawinayo in aadan xanuun dareemin, waxaa jiro kareemo la mariyo oo aadan wax xanuun ah dareemeynin, marka uu ninka isticmaalo oo uu mariyo baahalkiisa (Guska) Gabadhuna ay mariso afka xubinta taranka (Siilka) markaa ma dareemeysid wax xanuun ah, waxba haka welwelin, dareensii lamaanahaaga oo kaliya una sheeg in aad xanuun dareemeyso, haddii kale wuxuu ninkaaga u umaleyn taaha raaxada ah ee ay dumarka sameeyaan oo kale sida qormadaan ku xusan: Oohinta galmada
- In aad guurka ka aaminto wax xun
Qeybtani waa qeybta ugu xun ee uu qofku dareemo, haddii aad ogaan lahayd sida uu guurka u qurux badan yahay, marnaba kama aamini lahayn wax xun. Taasi waxaa keeneyso aqoondarida aad ka qabto guurka. Marka aad baroobeyso guurka, kadib ayaad ogaan kartaa in uu xun yahay iyo in uu san yahay laakin in aad qalad ka fahanto guurka adigoonan baroobeyn ma ahan wax fiican. Si kastaa oo lagaaga sheekeyo habeenka aqal galka ama laguu tusiyo in guurku uu yahay wax xun, ha aaminin, marka hore ka war jiri kadibna soo ogow xaqiiqda dhabta ah.
- In aad tahay qof xir xiran
Xirxirnaashu ma keeno kaliya cabsida guurka ee sidoo kale waxa uu keena in qofka uu wax walbaa la qabsan waayo. Xirxirnashu ma ahan dabeecad wanaagsan maxaa yeelay ma jiro qof jecel in uu la saaxib qof isagaba xirxiran. Noloshu waxay u baahan tahay kaftan, baashaal iyo furfurnaan. Haddi intaasi la waayo waxaa qadka ka baxayo farxadii. Taasna waxay noloshaada u keeni kartaa dhibaatooyin kale oo ay adag tahay in laga kabsado. Hadaba is fur fur oo baro dabeecdaha lagu yaqaano dadka furfuran gaar ahaan kuwa ugu farxada badan.
5. Daawada cudurka cabsida (Gamphobia)
Aduunkaan waa aduun iska imtixaan ah oo aad ku arkeyso wax walbaa, wax naftaada farxad gelinayo iyo wax naftaada murugo ku beerayo. Daawada kaliya ee taas looga gudbi karo waa adigoo Allah ku xirnaato, maxaa yeelay ALLE oo kaliya ayaa wax walbaa kaa qaadi karo.
Haddaad u baahan tahay inaad hesho guur farxad leh, Allah ka bari, haddii aad murugeysan tahay isaga weydiiso farxad oo la imaaw iimaan xoog leh.
Ugu dambeys: Weligaa ha niyad jebin, hana ka quusan naxariista RABI, xaalad kasto oo kula soo gudboonaato, haka murugoon wax ku soo maray hana ka shalaayin wax tegay, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa wixii ku soo maray in uu ALLE kuugu bedelo wax ka kherr badan Allah.
Hadaba jooji cabsida guurka, maanta wixii hadda laga bilaabo dooqo qofka aad ku hamineyso in uu nolosha kula wadaago, mid marka aad faraxsan tahay farxada kula wadaago, marka aad murugeysan tahyna murugada kula qeybsado..