Notifications
Clear all
Somali Questions And Answers
2 Posts
2 Users
0 Likes
137 Views
Jul 14, 2022 9:35 am
Guurka kadib waxaa laga yaabaa in aad mar kale ku fikirto hanashada qalbiga ninkaaga. In aad soo jidiato ninkaaga, si uusan naag kale kaa damcin. Su'aasheydu waxay tahay sidee ku hanan kartaa qalbiga ninkaaga, ama aad ku soo jiidan kartaa qalbigiisa. Ma jiraan waxyaabo ay ragu xiiseeyaan qalbigooodana aad u soo jiito? Fadlan ila wadaag haddii aad wax idhaanto. Mahadsanid!
1 Reply
Jul 14, 2022 10:05 am
Aniso waa su'aal aad u wanaagsan oo aan filay in ay gabdhaha Soomaaliyeed wax badan ka caawin doonto. Marka aan u guda galo su'aashaada ah: Sidee ku hanan kartaa qalbiga ninkaaga?
Marka hore:
- Markuu ninkaagu soo galayo guriga ku qaabil dhar qurux badan, cadar udgoon, dhoola cadeyn iyo qalbi furan, xittaa hadduu soo daaho. Ku dheh erayo macaan oo soo jiidasho leh.
- Markuu soo galayo ninkaaga guriga, ha ahaadeen caruurtu kuwa aad u qurux badan oo farxad galisa, caruurtana ku tarbiyeey ineey soo dhaweeyaan aabahood mar walbaa oo uu soo galayo.
- Maalin kasta warayso ninkaaga oo la shekeyso waxaad ka wareysataa tusaale ahaan shaqada wuxuu kala soo kulmay maanta IWM, Hadalkana is weydaarsada si aan ku jirin muran iyo madax adeyg sida mustaqbalka waxaad rabtaan, ama waxa idinku soo kordhay.
- Markuu meel ka soo laabto sida shaqada, suuqa, masaajidka, safar ama meelo kale waxaa fiican in aad u muujiso inaad u xiistay intuu kaa maqnaa, sida inaad ku dhahdo: waxay ila ahayd intaad iga maqneyd sanado ama illeen gurigu wuxuu la iftiimayo adaa yimid IWM.
- Yuusan kaa dareemin inaad dhibsanayso hadduu wax kuu dirsado.
- Mararka qaarkood u samee waxyaalo filanwaa ah tusaale: Inaad u labisato si uusan waligii kugu arkin, oo hakuu maleeyo mid xalfad u socota.
- Waxaad isku daydaa inaadan ninkaaga ka hor seexanin habeenkii, marmar daruuri ah mooyee oo aad daalantahay, ama aad rabtid inaad shaqo, iskuulka iyo wax lamid ah aado.
- Isku day inaad ninkaaga utoosiso sida salaadda subax, salaatu leylka iyo wax lamid ah, sababna ha u noqonin ninkaagu inuu ka caajiso cibaadadiisa iyo waajibaadka kale ee saaran.
- Ninkaaga waxaad ka dhigtaa mid firfircoon oo aan aheyn caajislow. Ku dhiiro geli waxyaabaha uu xiiseeyo ama uu ku haminayo in uu noqdo mustaqbalka. Ogow raga aad ayey u jecelyihiin dhiiro gelinta, waana sababaha ugu muhiimsan ee kaa dhigi karto in aad tahay xaas karti leh oo jecel mustaqbalka ninkeeda.
- Ha soomin soon sunne ah ninkaaga oon ogeyn ( sida ku soo aroortay ee ay sheegtay sunnadu )
- Markasta oo aad wanaag u sameyso ninkaaga, waxaad ogaataa inaad Illaahay agtiisa ajar kaga heleysid.
- Ha faafinin ceebaha ninkaga ee isku day inaad qariso.
- Sirta adiga iyo ninkaaga iyo tan reerkaba ha faafinin ( ku fakar in hadaad fidiso sirtiina, dadka kugu sheekeystaan si ay shaaha kuugu cabaan, waxaadna ogaataa iney maanta amaanadii dayacantay oo qofkaad aamin is dhahdo oo aad u sheegato sirtaada aad ka maqleyso bari iyada oo magaalada kaaga horeysa oo ay dadku ku sheekeysanayaan!
- Codkaaga kor haa uqaadin markuu kula joogo khaas ahaan.
- Isku day inaad xiriiriso, kana soo dhaweysato dadka kale, tusaale: dadka uu jecelyahay sida waalidkiisa, walaalihiis iyo saaxiibadiis.