Forum

Waxaan jaceyl dhab ...
 
Notifications
Clear all

Waxaan jaceyl dhab ah u qaaday wiil ee ila taliya

1 Posts
1 Users
0 Likes
166 Views
Posts: 2
Topic starter
(@fartuun)
New Member
Joined: 11 months ago

Marka hore: Fariintani oo ah fariin xambaarsan jaceyl dhab ah kana mid ah fariimaha jaceylka ee aan rabno in aan la wadaagno. gabdhaha Soomaaliyeed ee halkaan member ka ah iyo kuwo kale ee akhrisan doono qoraalkeyga. Waa qiso dhab ah oo igu dhacday, waana qiso dhab ah oo murugo badan, waxayna jeclaysatay in aan idinla wadaago.

Sida ay u dhacday

Waaxan Aaladda internetka iska baranay wiil dhamaadkii 2012, qiyaastii 2 bilood ay ka harsan sanadka 2013. Xiligaasoo aan ku noolaa Magaalada Muqdisho isagana uu ku noolaa Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

In mudda ah markaan isla soconay sawirkaaga isoo dir ayuu i yidhi, saan u meermerinayay waan udiray. Kuwiisana wuxuu ii soo diray bila shurud.

Balan iyo axdi baanu dhiganay wuxuu iyir: waqti safarkeyga soo dhowyahay ayaan is baranay, hadana laynkii baa iso bixi raba. Waan u ducayay Alle haku sakhiro baan iri. Alxamdullilaah alle waa u sakhiray wuu baxay ilaa diyaradda ka baxaysay baanu isla hadleynay.

Markuu samo tagay wuu isoo wacay wuxuuna ii sheegay inuu nabad tagay dalka Sweden oo uu markii hore u socday. Halkaas waxaa nooga bilowmay xiriir joogta anigana waxaan markaas ku laabtay magaalada Muqdisho. Waxaa sii xoogaystay jeceylkii aan isu qabnay maalinba maalinta ka dambeysa.

Mudo 5 sano ah kadib

Waxaan arkay is badal, oo ninkii maba ahan kii aan aqaanay, taasoo igu abuurtay walaac iyo walbahaar, madaama aan ahaa qof isaga jecel. Waan u sabrayay ileen aad baan u jecelahay. Muddo kale markii la joogay talefonkisa block iga saaray taasna waan u dulqaatay. Isbuucii 2 jeer ayaan sheekaysan jirnay, habeen anagoo qadka intenernetka ka wada hadlayna ayaa qadkii iga go’ay.

Sidii ayaan ku seexday. Aroortii ayaan fariin sms ah u diray misana talefonkiis block buuba iga saray. Saas kuma jooginee waxaan wacay taleefoonkiisa wuuna dansanaa. Aniga oo walwal iyo murugo ayaan la darisay. Meel aan kala xiriirana garan waayay.

Nasiib wanaag wiil ay isla joogi jireen buu hadda ka hor numberkiisa iga soo wacay, waana save gareystay nambarkii.

Waxaan wacay wiilkii saaxiibkiisa ahaa, nasib xumo wiilkii Wuxuu ii sheegay inuu ka guuray magaaladii lambarna uusan ka haynin saaxiibkii.

Wiil fiican buu ahaa wuxuu igu yiri waxaan ku siin number aad ka heli kartid. Wuxuu igu taabtay lambarkii adeerkii numberkii baa wacay ma joogi ayuu yidhi. Muddo kadib ayaan Adeerkiis ku celiyay, Nasiib wanaagna weey isla joogeen islamarkaan adeerkii baa yidhi hoo la hadal inanta, wiilkiina wuu diiday, aniga qarracan.

Adeerkiis wuxuu si buuxda ii yidhi ka sabir, kadib adeekiii baan ku calaacalay ileen naf wax jecel ayaan ahaye. Maxay kuugu taal Adeerkii ila hadda jawaab kama anan helin. Saas kuma aanan quus qaadane oo facebook oo aan horay u isticmaali jirin baan galay, bal intaas aan helaa cid aqoonsato oo iga caawiso.

Wiil ay is ku xaafad yihiin baan helay iyo kuwa kale iyagana wax natiijo ah waan ka waayay, xitta gabar aan saaxiibo nahay oo Norway jooogta oo arinteena la socotay baa la so hadashay oo ku tidhi walaal dee maxaad inantii ka damacday oo aad saas ugu galaysaa?

Ugu dambeys waxaa ii suura gashay in aan is maqalno, waxaan kala hadlay arinteenii, wuxuu igu yidhi guurso cidaad rabto oo aniga ha igu tashan, annaa waan gursanayaa. Waan u calaacalay, wuxuuna abaal iiga dhagay inuu block i saaro. Wiilka saas ii galaya wallaahi imisa wiil ayaan dartiisa uso diiday dal iyo dibadba. Wallaahi ilaa hadda qof kale marabo oo aan isaga ahayn, wallaahi waan jeclahay mana ka samri karo. Haduu iga gardanayahay xittaa aniga raali galin jiiray.

Markuu igu ydhi iga tasho ha igu tashan oo guurso nin kale annaa waxaan guursan gabar kale ayaan cuntadiika go’ay. Intaa waxaa ii dheer habeen iyo malin ma hurdo!! wallaahi waan u ilmaynayaa!! Hooya xittaa fikir ay iga fikireyso ayuu dhiga ugu kacsan yahay. Sariir kama kici karayo maxaa sameyaa? laantisaa ma samri karo!

Wallaahi ragooo idil ifka haddii lisku keeno kuma doorsan karaayo, Maxaayeelay 5 sano buu jeceyl ila waday, xaladeydana way sii xumaaneysaa, balanta iyo axdiga Alle aan dhiganay wuu iiga baxay. Anna waan jecelahay la’aantiis waa dhib, sariita kama kaco salaadda fadhigaan ku tugadaa.

Wallaahi Hadda oo aan qorayo fariinta ilintayda ayaa qubanaysa, ma ka samri karo qof aan ku dorsanaayo ma jiro, aniga dhan waxaan ahay maqane jooge.

Walahi waa is ka ilmaynayaa 5 sano wallahi ayaan sugayay oo an jecelahay ilaa hada tallo waa tii rabii.

Walaalayaal talo baan idinka rabaa idinka iyo Bulsha waynta idinka xirin.  Maxaad igula talin lahaydeen?

Topic Tags
Share: