Forum

Xikmado qoraal ah o...
 
Notifications
Clear all

Xikmado qoraal ah oo aad u cajiib ah

1 Posts
1 Users
0 Likes
134 Views
Posts: 2
Admin
Topic starter
(@gabdho03gmail-com)
New Member
Joined: 9 months ago

Xikmado qoraal ah oo aad u cajiib ah: Waxaan maanta jecleysanay in aynu kula wadaagno xikmado qoraal ah oo aad u cajiib ah, xikmadahani waxa ay daba socdaan xikmado kale oo aan horay uga soo hadalnay. Qeybtaan qeybtii ka horeysay waxaan sidoo kale akhristayaasheena la wadaagnay erayo kale oo xikmad leh oo jaceyl ah. Gabdho.net waa bog gabdhaha iyo wiilashaba uu suuro gelinayo in ay aragtidooda isku dhaaafsadaan, haddii aad aadan member ka ahayn waxaad iska diiwaan geli kartaa halkaan si aad qeyb uga nqoto gabdho.net: Halkaan gujji oo iska diiwaan geli

 

Nolosha: Qery baan sugayaa nolosha qeybaha ii haray Allah qaniyaan baryaa inaan qurux kaga gudbo.

Wax kastaa oo dhalaalaya ha raacin! Sababtoo ah, dabkuba wuu dhalaalaa.

Damaca badan: Qofkii badan damciyaa, dhamaan ayuu waayaa!.

Kalsooni: Kalsoonidu kama timaado inaad mar walbaa saxnaato balse waxay ka timaadaa inaadan ka baqin inaad wax qalad

Guusha: Caqabad walbaa oo kugu timaado waxa ay kuu tilmaameysaa, wadadii aad ku guuleysan lahayd.

Xaqirid: Way fuduahahay inaad xaqirto wax aadan helin karin.

 Rajo: Noqo qof markeey dadka arkaan ay dhahaaan aduunka weli qeyr kama dhamaan. Ha rajo dhigin, maxaa yeelay rajadu waa waxa kaliya ee nafta lagu sasabi karo.

Xusuus: Mararka qaarkoodna, xusuusta qofka waxay ku raagtaa noloshaada in ka badan qofka laftiisa.

Ixtiraam: In aad shaqsiyaddaada ixtiraamto waxaa kamid ah in aad ka dheeraato dadka kuwooda aan qiimahaaga garaneyn. - Dr Mustafa Mahamud.

Balan qaad: Qofka daacada ah waxa uu ballanta qaadaa asagoo murugsan,waxa uu garanayaa culayska ay leedahay ballantu.

Khaa'inku waxa uu ballan qaadaa asagoo faraxsan,waxa uuna nafta u sheegaa inay u hirgashay khayaanadii oo maanta la aaminay..

 Murugo: Waxa aan murugoodaa marka aan xasuusto qof wanaagsanaa oo aduunyada kaga ambabaxay safar aan soo noqosho lahaynd

 Salaada: Waxa ay u toosisay salaadi subax wuuna kici waayay, hadana way ku noqotay markii salaada laga baxay bal inuu hadda tukado hadana muu kicin! Mar sadexaad ayay ku noqotay hadana ma uusan kicin! Wuxuuna lahaa imtixaan 9:30 subaxnimo, hurdadii ayaa la dheeraatay wuxuuna toosay 4:00 barqinnimo, wuxuuna ku yidhi: "hooyo imtixaan ayaan lahaa waad ogayde maxaad ii kicin wayday 9:30ka. Waxayna ku tiri: imtixaankii 1-aad ayaad ku dhacday, kan labaadna waxba sheegi maayo xattaa hadaad baastid. Salaadu waa furaha shay kasta.

Hadalka wanaagsan: Hadalka hadii uuna ahayn ( ku dhiiri galinta sadaqada , farid wanaag, reebid xumaan, heshiisiinta dadka ) wax khayr ah kuma jiro.

Daacadnimo: In aad noqoto qof daacad ah  macnaheeda ma ahan in aad tahay qof daciif ah.

In aad noqotaana qof go'aan leh macnaheedu ma ahan in aad tahay qof dabeecad xun.

Noqo qof daacad ah oo dabeecad wanaagsan leh. 

Tusaale wanaagsan: Markii uu Abubakar dhintay Cumar ayaa Halkii Kasii waday Daryeelkii uu Abubakar daryeeli jiray waayeelada, islaan waayeel ahayd ayaa Cumar ku tiri miyuu dhintay "Saaxiibkaagii" markaasu Cumar ku yiri Maxaad ku Ogaatay waxay ku tiri timirtii ayaad ii keentay lafihiina kamaad soo bixin. Allow inta aad u gar-gaarto, danyar dulmina Aan Falin Naga Yeel, sida Dadkii Naga Horeeyay ee Tusaalaha Wanaagsan nooga tagay.

Sabarka: Caatika waxaa guursadey wiilka Abuubakar Sidiiq waxeyna aheyd mid jecel isaguna uu jecel yahay jaceyl aan la tilmaami karin. Kadib ayuu ka dhintay oo uu shahiidey, dabadeedna waxaa u dag dagey guurkeeda Cumar Faaruuq Allaha ka raali noqdee, kadibna wuu ka dhintey isagoo shihiidey, kadib waxaa u dag dagey karaameyn teeda iyo guurkeeda gargaarihii Nabiga S.C.W Subeyr Ibnu Cawaam waa la dilay isagoo shihiida.

Maysan odhan ( waa tii balaayada nimankeeda usoo jiideysay) balse waxey dheheen ( qofkii doonaya shahaado, Caatika ha guursado) Malo wanaagsani waa sad wax loo dhigo uusan jirin.

Tanaasul: Waxaan murugoodaa marka aan jaceyl dartii ugu tanaasulo wax yaabo badan oo ay nafteydu u baahneyd.

 Cishqi:

“Wuxuu wali dhagaystaa

Heesuhuu Dhallaanimo

Dhambaal kuugu qori jiray

Dhulna waxuu ka booqdaa

Halkii uu dharaartii

Kugu saaray Dhaayaha”!

Taajirnimada qalbiga waxba kama dhibo faqriga jeebku, laakin faqriga qalbiga waxba uma taro taajirnimada jeebka.

Xikmad waxaa ah hadal yar oo macna weyn leh, hadalkaasoo aad la dhacdo macnahiisana noqda mid ku anfaco.

Marka aan cod dheer ku qoslo anigo oo doonayo keliya in aan codka dheer ku qariyo riinka oohinteyda.

Masaajidka waa guri Ilaaheey oo dhulka ku yaalo, qofkii ku tukadana Ilaah buu soo booqday, kan la soo booqdana wuxuu aad u soo dhaweeyaa ruuxii soo booqda.

Madaajidku waa guryaha ilaahey ee dhulka ku yaalo kofkii ku tukadana illah buu soo booqday kan lasoo booqdana wixuu aad usoo dhoweeyaa ruxiii soo booqda

 Si kasta oo aad u hadasho, qof ay hareerihiisa joogaan Jaamiciyiin faqiir ah iyo dambiilayaal lacag heysta, marnaba kaama dhageysanayo in waxbarashadu ay tahay furaha guusha.

In aad adkeysataa oo dhibka kusoo gaaraa uusan ku niyad jabin waa wadada aad guusha ku gaari karto

Mar walba oo aad niyad jabtaa waad sii guul dareysaneysaa

Isku day in aadan marna kanjyad jabin hadafka aad noloshaada ku hormarineyso.

Farxada dhabtaa maahan in aadan ooyin ama aadan murugoon, ee waa in aad raali ku tahay wax walba oo maalmuhu kuu qarinayaan kuna mahad naqdaa adiga oo dhoola cadaynaya.

Ha Fikirin in badan, weydiiso Alle dambi dhaaf badan maxaa yeelay Allaah dambi dhaafka ayuu albaab kuugu furaa ee fikirka kuuguma furo.

Waxaan murugoodaa marka aan dareemo dulmi la igu hayo oo aanan taag u haynin in aan nafteyda ka difaaco.

Dulmi waligaa hagarb siin, Daalimna waligaa ha GarGaarsan, Qof Dulmanna waligaa Haku Digan Adigoo Grabsiin Kara.

 Cafi walaalkaa ama walaashaa adiguba waad gaftay ama gafi doontaa maalin maalmaha kamd ah, Magafe waa Allah aadamaha oo idilna wuu gafaa.

Wanaagu ma'aha in aad shaqsi gooni ah aad uga dayataa ee waa in aad uga daytaa shaqsi walba oo kaa wanaagsan ha ahaado mid faqiir ah ama mid kaa da'ayar

Ku nooloow kalsooni nafeed ogoowna in dhib kastoo ku soo wajahda ku dhaafayso oo aanay waxba ku yeelayn inaad wax ka barato uun mooyaane.

Ka fiirso qofka aad aamineysid ama aad uga warameysid dhibaatooyinkaaga....

Qof kata oo kuu dhoola cadeeya ma aha saaxiibkaa.

Qof walba ayaa waxa xun farta ku fiiqi kara , lakin wanaaga dad yar baa arka.”

Kuwa Qasaaray kuwooda ugu qasaarada badan

Waa midka aan Masaajidada gelin Ilaa laga geeyo isagoo Saaran Naxashka (Meyd ah.

Waa Gabadha aanan asturan Jirkeeda ilaa Kafan Lagu duubo ( La duugo)

Topic Tags
Share: